Skip to main content

Diiwaanada Sare U Kac

AGABYADA AKHRINTA / EEGIDA DHEERAADKA AH

BINGO

Si aad ugu guulaysato abaal-marino, waxa aad u baahan doontaa in aad ku bogto saddex xariiq toosan -- oo aadna muujiso in aad bogtay. Xaqiiji in aad samaysay dhammaan saddexda tallaabo ka hor inta aanad ku noqon Rise Up Records. Halkan waxaa ku qoran macluumaadka muuqaal-gadaaleedka oo ku saabsan sida loo bogo tallaabo/ficil kasta:

  1. Iska diiwaangeli Tababarka NEO ee Zoom-ka Ka Dhacaayo: Maalinta Sabtida, Juun 8-deeda, waxaan ku qaban doonnaa tababar Zoom-ka kaasoo soconaya hal saac wuxuuna ku saabsan yahay sida loo maamulo Shaqo Kala Barida Shaqaalaha Cusub. Iska diiwaangeli halkan oo hakaa go'onaato in aad ka soo qaybgasho si aad u bogto ficilkan.
  2. Hel Foomkaaga Onlaynka ee COPE: Dad badan oo Local-ka (Deegaanka) ah waxay ku heytsaan, gudaha websaydkooda, linki halkaas oo xubnaha hadda jira ay iska diiwaan gelin karaan si ay sidoo kale u bilaabaan wax ku biirinta Sanduuqa Siyaasadda ee SEIU COPE, taas oo gacan ka geysta xaqiijinta in aan haysanno awood siyaasadeed si aan u ilaalino guulaha siyaasadeed iyo sharci-dejineed ee aan sida adag ku kasbanay ee noo wanaajiya adeegyada dadweynaha iyo nolosha qoysaska shaqeeya. Waxaad u baahan doontaa inaad tan tusto shaqaalaha Rise Up Records si aad u dhamaystirto tallaabadan.
  3. Hel Foomkaaga Onlaynka ee Xubinimada: Inta badan dadka Local-ka (Deegaanka) ah waxay ku heystaan, gudaha websaydkooda, linki halkaas oo kuwa aan horey uga sii ahaan jirin xubin ay iska qori karaan si ay xubin uga noqdaan ururkooda. Waxaad u baahan doontaa inaad tan tusto shaqaalaha Rise Up Records si aad u dhamaystirto tallaabadan.
  4. Qor Qoraalka Shaqaalaha Cusub: Bakhshada CD-ga ee lagu siiyay, waxaa ku jira qoraal leh ku biixi meelaha banaan jawaabo iyo su'aalo furan. Qor jawaabaha su'aalahaas oo tus shaqaalaha Rise Up Records si ay u dhamaystiraan ficilkan.
  5. Daawo Muuqaalka NEO: Daawo muuqaalkan oo siku diyaari inaad uga jawaabto su'aalaha ku saabsan goobta Rise Up Records si aad u dhammaystirto ficilkan.
  6. Iimayl U dir Qof Aan Xubin Ka ahayn Si Uu Ugu Soo Biiro: Ma jiraa qof kale oo shaqada kula jooga oo aan weli ku jirin ururka? Qof cusub, ama qof aan hadda fursad u helin inuu wax badan ka barto ururka? U dir iimayl adigoo ku ogeysiinaya waxa ku saabsan qiimaha uu ururku ku siinayo shaqaalaha goobta shaqada si aad u bogto ficilkan.
  7. Buuxi Foomka Hogaanka NEO: Ma xiisaynaysaa inaad iska diiwaan geliso noqoshada Hogaamiya NEO ee Local-kaaga (Deegaankaada), oo aad laftaadu u maamusho shaqo kala barida shaqaalaha cusub oo aadna ka jawaabto su'aalaha ka imaanayaan shaqaalaha cusub? Haddey jawaabtaadu haa tahay, buuxi foomkan
  8. U Soo Qor Kula Shaqeeyayaal Foomka Hogaamiyaha NEO: Foomka Hogaamiyaha NEO wuxuu leeyahay goob loogu talagalay cidda u soo sheegtay inay buuxiyaan foomka. Haddii qof kale uu magacaaga uu ku qoro goobtaas marka ugu horreysa ee ay saxiixaan foomka, markaa waxaad dhammaystirtay ficilkan.
  9. Ku Boosti Garee Foomka Xubinka Baraha Bulshada: Qaar ka mid ah asxaabteena nala shaqeeya ayaa ku xiran baraha bulshada. Ku boosti garee onlaynka wax ku saabsan inaad aad ugu faaneyso ka mid noqoshada xubin ka mid ah ururka oo ku dar linki foomka xubinka onlaynka ee Local (Deegaanka). Tus boostigaaga shaqaalaha Rise Up Records si aad u dhamaystirto ficilkan.

Updated May 10, 2024